Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Wasiirja amniga Somalia C/laahi Shiikh Ismaaciil (Fartaag) looga yeeray dalka Finland islamarkaana lagala hadlay arimo ku saabsan Dowlada Finland oo dooneysa inay dhalinyaro Soomaaliyeed ka soo tarxiisho dalkeeda.
Wararka ayaa tilmaamaya in Dowlada Finland ka dalbatay Wasiir Fartaag inuu saxiixo talaabadaasi Soomaalida looga soo ceyrinaayo dalka Finland oo kaliya ay ka xigto haduu wasiirku aqbalo.
Hadaba warar aan wali la xaqiijin ayaa sheegaya in Xisbiga haya talada wadanka Finlanad oo ah xisbi cunsuri ah uu lacag diyaar ula yahay wasiir fartaag haduu saxiixo in Soomaalida la soo tarxiilo.
Wasiirkii hore ee amniga Amb, doodishe ayaa la sheegayaa in sidaan oo kale xiligiisii Dowlada Finland ugu soo bandhigtay inuu saxiixo balse wuu ka diiday .
Hadaba Wasiir Fartaag waxaa la leeyahay waxaa heysata laba daran mid dooro inuu sumcadiisa iyo rabitaanka dhalinyarada uu dhowro iyo inuu dhaqaale ka sameeyo oo saxiixa ku jiido, hadii uu lacag qaato waxay ku noqon doontaa taariikh madow iyo dhalinyaradaani oo aan yareyn ay waligood xasuusnaadaan haduu sabab noqdo in la soo celiyo iyagoo u maray rafaad badan,naftooda risku u geliyay islamarkaana qarash badana geliyay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
