HomeWarkiiWasiir Fartaag oo shaaciyay in lala xisaabtami doono cidii ka dambeysay dagaalkii...

Wasiir Fartaag oo shaaciyay in lala xisaabtami doono cidii ka dambeysay dagaalkii Cabud-waaq

Wasiirka Amniga gudaha Somalia C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa ka hadlay dagaal dhimasho iyo dhaawacba sababay oo shalay ka dhacay Magaalada Cabud-waaq ee Gobolka Galgaduud kaasoo u dhexeeyay booliiska Galmudug iyo maleeshiyaad isasoo abaabulay.

Wasiirka oo ugu horeyn soo jeediyay in colaadaasi la joojiyo aya dhanka kalana carabka ku adkeeyay in ka dowlad ahaan lala xisaabtami doono cid kasta oo ka dambeyay dagaalkasi.

“sharciga ayaa la horgeyn doonaa waana lala xisaabtamayaa kuwa soo abaabulay dagaalkaasi”ayuu yiri Wasiir Fartaag

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay culumaa’udiinka iyo waxgaradka inay u istaagaan sidii u joojin lahaayeen isku dhacyada si looga hor istaago inay dagaal toosa isu badasho sidii shalay dhacday oo kale.

Laamaha amaanka wuxuu ugu baaqay inay ka hor tagaan cid kasta oo qalqal amni ku keeni karta magaaladaasi.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -