HomeWarkiiWasiir Fartaag,Taliye Asad iyo Guddoomiye Tima-cadde oo gaaray Laas-caanood+SAWIRRO

Wasiir Fartaag,Taliye Asad iyo Guddoomiye Tima-cadde oo gaaray Laas-caanood+SAWIRRO

LAAS-CAANOOD (DAYNIILE.COM)-Waxaa Magaalada Laas-caanood ku sii qulqulaya wufuud Dowlada Somalia ka tirsan kuwaasoo dhawaan halkaasi u tagaya inay ka qeybgalaan munaasada caleema saaka Madaxweynaha Maamulka cusub ee Waqooyi Bari C/qaadir Aw-Cali Firdhiye.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag  iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa wada-jir u gaaray Laas-caanodo halkaasoo aad loogu soo dhaweeyay.

Sidoo kale Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabduullaahi Cali Xersi (Timacadde) ayaa isaguna gaarey magaalada Laascaanood, caasimadda Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari.

Masuuliyiintaan waxaa soo dhaweeyay Madaxweyne Ku xigeenka Maamulka martida loo yahay  ee Waqooyi Bari Abwaan Cabdirashiid iyo Masuuliyiinta kale ,waxayna soo dhaweyn kadib u galbiyeen madaxtooyada maamulkaasi.

Khamiista waxaa Laas-caanood tagaya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Ra’iisulwasaare Xamza iyo wasiirada ugu badan oo sii raacaya xili islamaalintaasna lagu wado in Madaxweynaha iyo xubnaha kale ee Dowlada ka qeybgalaan caleema saar heerkiisu sareeyo oo loo sameynayo Madaxweynaha Maamulka Waqooyi bari oo sanadkii hore sidii loo doortay aan wali loo sameyn caleema saar.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMMay be an image of helicopterMay be an image of aircraftMay be an image of one or more people and suitMay be an image of helicopter and textMay be an image of one or more peopleMay be an image of one or more peopleMay be an image of aircraftMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more peopleMay be an image of one or more peopleMay be an image of one or more peopleMay be an image of car, hospital and text

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -