HomeWarkiiWASIIR FIQI "Alshabaab ciidankooda waad aragteen waa Wiilal yayar oo geedaha lagu...

WASIIR FIQI “Alshabaab ciidankooda waad aragteen waa Wiilal yayar oo geedaha lagu xiro si aysan furinta uga cararrin..”

Wasiirka Gaashaandhiga Somalia Axmed Macalin Fiqi oo maanta  gaaray deegaano hoos taga Degmada Warsheekh ayaa la hadlay ciidamo ka tirsan kuwa  Xooga Dalka iyo dadka deegaanka kuwaasoo u diyaarsan inay fuliyaan howlgalo ka dhan ah Alshabaab.

Wasiir Fiqi wuxuu ciidamada ku dhiiri-geliyay inay Alshabaab ka saaraan deegaanada ay hada ku sugan yihiin,wuxuu u tilmaamay in dagaalka Alshabaab uu xaq diiniya yahay.

“Alshabaab ciidankooda waad aragteen waa Wiilal yayar oo geedaha lagu xiro si aysan furinta uga cararrin” ayuu yiri Wasiir Fiqi

“ waa sii dabar go’ayaan khawaarijta, waxaan rajeynayaa inta hartay in aan gacan ku soo qaban doono.” ayuu mar kale yiri Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Axmed Macalin Fiqi

Shalay ayay ahayd markii Wasiir Fiqi uu socdaalkiisa ka bilaabay Deegaanka Xaaji Cali halkaasoo uu sidan oo kale ciidamo badan kula hadlay.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -