Xili mudooyinkii la soo dhaafaym eedayn dhinaca cadaalad darada loo jeedinayay maxkamadaha Dalka ka jira, ayaa waxaa arintaas ka hadlay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug.

Waxaa eedaas ka hadlay Wasirka amniga dowlad goboleeedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi, ayaa dowladda Federaalka ku eedeeyay sababta loogu cadaalad doonto dagaalyahanada Al-Shabaab, wuxuuna si gaar ah u xusay waaxda garsorka

“ Cadaalad darada Dowlada Dowlada ee shabaab loo raadsado Maxkamada waxaa ka mid ah Mida uu Sameeyay farmaajo oo ah in adeerkiis Janan uu Yiri Danbi maleh”ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi ayaa tusaale usoo qaatay dacwadii la joojiyay wasiirkii hore amniga Jubaland Cabdirashiid Janan.

Sidoo kale Janan oo dhawaan isku soo dhiibay dowladda Federaalka ah ayaa gal dacwadeedkiisii la laabay, wuxuuna Fiqi sheegay in garsoorka Soomaaliya oo liita darteed loo cadaalad doontay Al-Shabaab.

Office Nairobi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here