HomeWarkiiWasiir Fiqi "Dalka Soomaaliya ma jirto cid kala jari karta awood kasta...."

Wasiir Fiqi “Dalka Soomaaliya ma jirto cid kala jari karta awood kasta….”

Wasiirka Gaashaandhiga Somalia Axmed Macalin Fiqi ayaa si adag uga hadlay xuska maanta ay qabaan reer Somaliland kaasoo ay ku xusayaan markii ay ka go’een Soomaaliya sida ay sheegtaan,wuxuuna xusay inaaney jirin cid Somalia kala jari karta awood kasta oo la adeegsado.
Dalka Soomaaliya ma jirto cid jari karta wood kasta oo ay soo bandhigto iyo cid kasta oo ku taageerta”ayuu yiri Wasiir Fiqi
Haddaba qoraalka Wasiirka oo sidiisa u qoran halkaan ka akhriso:-
Dalka Soomaaliya ma jirto cid kala jari karta awood kasta oo ay soo bandhigto iyo cid kasta oo ku taageerta, kooxaha gooni-goosadka waxaa u haboon in aysan shacabkeena qiimaha badan ee goboladaas ku nool in aysan waqtiga uga lumin ku sii socoshada waddo soo xidhmaysa.
Waxaan u hambalyaynayaa dhallinyarada Boorame iyo cid kasta oo kale oo mashruuca Netanyahu iyo kan gooni-goosadka Îskâ diiday, iyo dawlad goboleedka waqooyi Bari oo mar hore isaga baxday mashruucaas.
Mashruuca gooni-goosadku fikir ahaan iyo dhul ahaanba wuu soo koobmayaa marba marka ka dmabaysa, meesha uu hadda magansadayna waxay soo dedejinaysaa dhammaadkiisa.
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -