HomeWarkiiWasiir Fiqi "Fidnadu Waa huradaa, waxaana ku guban doona cidda soo kicisa"

Wasiir Fiqi “Fidnadu Waa huradaa, waxaana ku guban doona cidda soo kicisa”

Wasiirka Gaashaandhiga Somalia Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraal uu baraha bulshada soo dhigay wuxuu kaga hadlay ama ku weeraray mucaaradka xili maanta dagaalo ay ka dhaceen Muqdisho kaasoo u dhexeeyay ciidamada Dowlada iyo Mucaaradka.
Qoraalka Wasiir Fiqi oo sidiisa u qoran halkaan ka akhriso:-
Fidnadu Waa huradaa, waxaana ku guban doona cidda soo kicisa.
Amniga caasimadda iyo kan dalkuba gorgortan ma geli karo, mana jirto cid looga hibaysanayo.

Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqaynaa in aysan ku daba lumin kuwa fidnadu guryahoodii ka soo kicisay ee bulshada la dhex yimid.

Qabqablanimo qarniga 21aad ah iyo soo celinta dhaqankii maleeshiyaadka sanadkan 2026 Waa wax waqtigoodii dhammaaday.

Kooxda RSF-ta Soomaaliya marnaba lagama yaabo in mashruuciinu uu ka hirgalo Soomaaliya.
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -