HomeWarkiiWasiir Fiqi iyo Axmed Ciise Cawad oo la isu keenay,  heshiisna la...

Wasiir Fiqi iyo Axmed Ciise Cawad oo la isu keenay,  heshiisna la dhex dhigay

Sida uu cadeeyay islamarkaana bartiisa facebook soo dhigay Yuusuf Garaad oo ah wariye iyo Wasiir hore waxaa la isu keenay oo heshiis la dhex dhigay Siyaasiyiinta kala ah Wasiir Fiqi iyo Axmed Ciise Cawad kuwaasoo maalmihii ugu danbeeyay baraha bulshada isku dhaasanayay ereyo xana leh.
Yuusu Garaad qoraalkiisa oo sidiisa u qoran halkaan la akhriso:-
Jimce Wanaagsan. Waa Allah mahaddiis.
Si kal iyo laab ah ayaan ugu mahadcelinayaa Wasiirka Gaashaandhigga, Danjire Axmed Macallin Fiqi iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda, Danjire Axmed Ciise Cawad, oo maalmahan hawada isu mariyay erayo aan munaasab ahay, laakiin casuumaad ka dib xalay i soo booqday, is raalli geliyay, is cafiyay, oo is gacan qaaday, waliba si qurxoon.
Munaasabbada oo ay goobjoog ahaayeen,

Dr. Maxamed Aden Koofi iyo aqoon yahan Cabdirisaaq Farqaag, waxaa ka odayeeyay oo noo Guddoomiyay Cabdulqaadir Aden Cabdulle (Curadka Aden – Cadde), oo isagana aan si weyn ugu mahadcelinayo.

Laba Axmed oo aan Danjireyaal hore wada nahay, isla markaasna aan hal Wasaarad uu midkeenba mar maamulay xilliyo kala dambeeyay, waxaa ay xalay si ilbaxnimo iyo geesinnimo leh oo dhammaystiran ay u soo af jareen hadalkii siyaasadda ka dhashay ee la fogaaday.

Qalad iyo qoonsi wuu ka dhacaa Aadanaha, laakiin waxaa la is dheeryahay garashada iyo ku dhaca in la qirto, laga soo hoydo, raalli gelinna laga bixiyo.

Laba Axmed iyaga ayaa soo jeediyay in aan kula wadaago warkaan wanaaagsan, guul ayaanna u rajeynayaa labadaba."Wasiir Fiqi iyo Aniga qofka siyaasad ahaan fashilan si loo arko dood noo qabta, "Axmed Ciise Cawad
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -