HomeWarkiiWasiir Fiqi iyo C/raxman C/shukuur oo hadalo kulul isku dhaafsaday baraha bulshada

Wasiir Fiqi iyo C/raxman C/shukuur oo hadalo kulul isku dhaafsaday baraha bulshada

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-C/raxmaan C/shukuur Warsame oo ka mid ah madasha mucaaradka ayaa maanta shir jaraa’id qabtay wuxuu ku weeraray Dowlada isagoo eedeyn u jeediyay Madaxweynaha Sidoo kale wuxuu di dadban u difaacay dadka shacabka ah ee maalmihii ugu danbeeyay baraha bulshada ku aflagadeynayay Madaxweyne Xassane

C/raxmaan C/shukuur wuxuu sheegay in Dowlada tabar daradeeda ay u dulqaadan la’dahay dhalinyarada baraha bulshada taasoo dadka inta badan u fasirteen inuu difaacayo dhalinyarta madaxweyne Xasan ceyda usoo marinaya baraha bulshada walow isagoo dhanka  kale ula jeedo.

Sidoo kale C/raxman C/shukuur wuxuu madaXweynaha ku dhaliilay dhulalka danta guud inuu xaraashayo isagoona ugu baaqay inuu ka xishoodo caalamka.

“Madaxweynow ummadda Soomaaliyeed ka xishoo, innagana naga xishoo, adduunka Madaxweyne kuu aqoonsanna ka xishoo oo xaraashka dhulka danta guud jooji”ayuu yiri C/raxman C/shukuur

Dhanka kale Wasiirka Difaaca Axmed Macalin Fiqi ayaa bartiis facebook ku soo qorey qoraal  uu ugu jawaabayo C/raxmaan C/shukuur xili madashii mucaaradka ee samatabixinta uu u baxshay madasha cambaareynta.

“Madashii cambaarta meeshii ay ajende qaran dadka la soo hor istaagi lahayd, waxay isku bedeshay in ay daafacdo dadka madaxda dalka caayaya! Qaar ka mid ah Kama foga in ay dadkaas soo adeejiyeen!”

Inkastoo uusan magac gaara sheegin Fiqi hadaladiisa danbe waa eedeyn culus ,wuxuu muujiyay in mucaaradka qaarkood ay iyagu soo direen shacabka aflagaadada ka wada baraha bulshada.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -