Qorilow, 07 Luulyo 2026: Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka XDS, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kormeer shaqo ku tagay Dugsiga Tababarka Qorilow ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Mas’uuliyiinta ayaa halkaasi ku booqday cutubyo ka tirsan Ciidanka XDS, gaar ahaan Guutada 19-aad, Qaybta 1-aad Kumaandooska Gorgor ee Ciidanka Dhulka XDS iyo Ciidamada Xaq u dirirka Deegaanka, kuwaas oo dugsiga ka qaadanaya tababarro asaasi ah oo lagu tayeynayo aqoontooda ciidan, xirfadaha dagaalka, iyo diyaar garowga howlgalada lagu xaqiijinayo amniga dalka.
Wasiirka iyo Taliyaha Ciidanka XDS ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha dugsiga iyo macallimiinta tababarka, iyagoo ku bogaadiyey dadaalka lagu horumarinayo tayada ciidamada. Waxay sidoo kale ciidamada ku dhiirrigeliyeen inay ka faa’iideystaan tababarka, ilaaliyaan anshaxa ciidannimo, kana shaqeeyaan difaaca dalka, shacabka, iyo la-dagaallanka kooxaha argagixisada.
Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso dhismaha, tayeynta, iyo diyaarinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed si ay u gutaan waajibaadkooda qaran




















