HomeWarkiiWasiir Fiqi "Kooxdii madasha calaacalka ee hal abuurku ka idlaaday waxay marayaan...

Wasiir Fiqi “Kooxdii madasha calaacalka ee hal abuurku ka idlaaday waxay marayaan qiimo dhac siyaasadeed kii ugu hooseeyey abid”

Wasiirka Gaashaandhiga Somalia Axmed Macalin Fiqi ayaa mar kale weerar afka ah ku qaaday mucaaradka Dowlada kadib markii uu qoraal soo dhigay bartiisa Facebook oo aalaaba uu qoraalo soo dhigo.

Qoraalka Wasiir Fiqi oo sidiisa u qoran halkaan ka akhriso:-

Kooxdii madasha calaacalka ee hal abuurku ka idlaaday waxay marayaan qiimo dhac siyaasadeed kii ugu hooseeyey abid oo qof siyaasad sheegtaa uu gaaray!

Aroosyada iyo Munaasabadaha xushmad mudan ee looga yeero ayaan ogeyn in ay ku dhex matagaan, gogol dadka kale dhigtay oo lagu maamuusay ay ka dhex calaacalaan, hadda waxa ay marayaan markii ay u waayeen taageerayaal ku raacsan afkaartooda gurracan ee shisheeyuhu hoosta ka soo riixayo in boorar aflagaado ay ku daabacaan in guryaha ay deggan yihiin ku dhejiyaan.

Dadka Soomaaliyeed waa ku mahadsan yihiin in ay arkeen kuwaas mar horena ka leexdeen, intooda badan waa niman xilalkii ay qabteen ku soo fashilmay, oo aan rajo badan ka qabin in ay talada dalka qabtaan, waa saaxiibada Xamiidati, Cayduruus Alzubaydi iyo kuwo kale oo dalalkooda in ay burburiyaan loo halageliyey.

Waxa la fashilin doonaa isku day kasta oo ay kooxahaasi isugu dayaan in ay ku marin habaabiyaan shacabkeena isla markaana ay ku qalqal-geliyaan Amiga iyo dawladnimada.No photo description available.

RELATED ARTICLES

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -