Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraal uu goor dhaw soo dhigay barihiisa bulshada wuxuu ku sheegay in Maamulka Somaliland uu markaan liqay sun ay adag tahay iuu ku sii noolaan karo mashruucoodii aqoonsi raadiska ahaa.
Qoraala Wasiir Axmed Macalin Fiqi oo sidiisa u qoran halkaan ka akhriso:
Maamulka gooni-goosadka ah ee Xuubcaaro land wuxuu laqay sun ay adag tahay in mashruucoodii dhalanteedka ahaa uu ku sii noolaan karo.
Waxaa khadka teefoonka loogu sheegay in Netanyahu uu aqoonsaday, wuxuuna uga bedeshay in reer Falastiin malyan iyo Shan Boqol oo qof oo ka mid ah si dulmi ah dhulkoodii looga soo raro Lana soo dejiyo gobolada Waqooyi Galbeed meelo ka mid ah.
Xuquuqdii reer Falastiin iyo dhulkoodii oo laga soo raro ayaan ictiraaf ku bedelanayaa 70 jirka ku taliyey iyo kuwa ka daba alalaasay, ama kuwa shibta ugu kaalmaynayaa wax fiican kama aysan talin. Waana muuqataa in aan ceeb wax aan ahayn laga dhaxleyn.
Talo maantay ayay u eg tahay waxgaradka dadkaas, waxa la raadinayo waxaa ka dhib badnaan doona culayska iyo ceebta ay wadato.
Ictiraaf Netanyahu uu ku siiyey iska dhaafe 150 dawladood haddii ay ku siiso sidaas ictiraaf laguma helayo, wayna fahamsan yihiin arrintaas madaxda maamulka gooni-goosadka ahi.

