GAALKACYO (DAYNIILE.COM)-Wasiirka Gaashaandhiga ayaa si cara leh uga fal celiyay war ka yimid dhanka Maamulka Puntland kuwaasoo diidan in Madaxweynaha Somalia tago Gaalkacyo oo u kala qeybsan Maamulka Puntland iyo Galmudug iyagoona ku tilmaamay safarkaasi mid colaad lagu hurinayo.
Wasiir Fiqi oo dhuusa-mareen ugu waramayay wariye Haashim ayaa ka dhawaajiyay ineysan waxba sameyn karin Puntland iyo Saciid Deni islamarkaana madaxweynuhu tagayo Gaalkacyo qeybta ay ka taliso Galmudug.
“maxay qaadi karaan,maxay tahay taalabada uu qaadayo,Saciid Deni waa nin iska hadlay wax uu qaadi karana ma jirto”ayuu yiri Wasiir Fiqi
Wasiirka wuxuu dhanka kale sheegay in dadka Galkacyo ku wada dhaqan ee Puntland iyo Galmudug ay nabad ku wada nool yihiin islamarkaana aan lo baahneyn wax carqaladeeya.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
