HomeWarkiiWasiir Fiqi " Marka ay Adis Ababa, Nairobi iyo Dubai  u  safrayaan...

Wasiir Fiqi ” Marka ay Adis Ababa, Nairobi iyo Dubai  u  safrayaan ayagoo boorsooyin wata ayay safafka galaan laakiin markey caasimadooda u soo socdaan sidi iyagoo dagaal u socda ayay hub badan soo qaadanayaan”

Wasiirka Gaashaandhiga Somalia Axmed Macalin Fiqi ayaa si kulul uga hadlay arinta ay isku hayaan Dowlada iyo Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Jubaland.
Wasiirka oo barihiisa bulshada soo dhigay qoraal ayaa ku eedeeyay Axmed Madoobe iyo Saciid Deni in markey dalalka shisheye aadayaan ayagoo boorsooyin wata ay  safaf u galaan garoomada diyaaradaha dalalkaasi laakiin markey caasimada dalkodoa soo aadayaan hub badan ay soo qaadanayaan.
Qoraalka Wasiirka ayaa sidan u qornaa:-
Marka ay Adis Ababa, Nairobi iyo Dubai sida dhuumaalysiga ah ay ugu safrayaan ayagoo boorsooyin wata ayay u safraan, safafka immigrationka ayay galaan, marka ay caasimadooda u soo safrayaana sidii niman dagaalkii u dambeeyey u socda oo kale ayay isku soo hubaynayaan.
Ma wadahadal ayay u socdaan mise dagaal, mise dhoola-tus ciidan oo ah fariin ay u dirayaan kuwa kale.
Amniga madaxda caalamka ee Muqdisho soo booqanaya dawladda Soomaaliya ayaa sugta, wayna isku aaminaan, madaxda Soomaaliyeedna mudnaan gaar ah ayay leeyihiin, ma jirto wax ururo ciidan ah la soo safriyo ayadoo ciidamadii qaranka ee mas’uuliyadda amnigu saarnayd ay joogaan.
Muuqaalka hubaysan ee aan qurxoonayn iyo in ciidamo wax ay yihiin aan la garanayn in la keensado hoteelada garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho oo ah meel xasaasi ah oo ay deggan yihiin safaaradaha waaweyn ayna ku yaallaan goobo muhiim ma ahan wax ay ku gar helayaan l Deni iyo Madoobe.
Ciidamada la soo luggoynayo Buuraha Calmiskaad iyo hareeraha Kismaayo in lagu xoreeyo ayaa ka mudan in film jilid loo soo wato.

RELATED ARTICLES

1 COMMENT

  1. BAAC BACA AH WADAMO AAMIN AH AYEEY U SOCDAALAAYAAN KANI WAX LEESKU HALEEYNKAR MA AHA WAA DAD MUNAAFQIIN AYAA ISKU YIMID MAREEYKANKA IYO YURUB-

    AYEEY DHAHEEN AAMIN MA AHA EE ISKA JIRA
    :

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -