Wasiirka Gaashaandhiga Somalia Axmed Macalin Fiqi ayaa weerrar afka ah mar kale ku qaaday siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Dowlada Somalia.
Waaiir Fiqi wuxuu xusay Mucaaradku diideen soorasho qof iyo cod ah iyagauna wax ka wanaagsan la iman waayeen
“Maxay dhaheen Madasha calaacalka hadii doorashada aan rabno la qaban waayo dagaal baan ka xignaa” ayuu yiri Wasir Fiqi
Haddaba halkaan ka akhriso qoraalka Wasiir Fiqi oo sidiisa u qoran:-
Maxay yiraahdeen nimankii madasha calaacalku doorasho qof iyo cod ah ma rabno, haddii teenna la yeeli waayana waxaanu ka xignaa dagaal.
Aniguna waxaan ku leeyahay; haddii aad dagaalamaysid guri aad leedahay ma dumayaa? ganacsi aad leedahay ma joogsanayaa? wiil aad dhashay se ma dhaawacmayaa ama dhimanayaa, adigu furinta ma tagaysaa? Waa maya intuba!.
Waxa qof kasta madaxiisa ku soo dhici kara nimanka caynkaas ah ma u qalmaan in nafta loo huro oo dalka loo burburiyo, sow kuwaas kuma ay jiraan kuwii khawaarijta nagu naaxinayay oo caasimadda burburka iyo ba’a baday, sow kuma ay jiraan kuwaas kuwa xafiisyadii ay ka soo taliyeen ku soo fashilmay, sow kuma ay jiraan kuwo dawlado shisheeye madiidin u ah, sow kuma ay jiraan kuwa Soomaaliye iyo shisheeye marka ay isqabsadaan la safan jiray shisheeyaha damaca gurracan leh, sow kuma ay jiraan kuwo aadan koob biyo ah u dirsateen oo haddii ay gurigooda gartaan ay tahay wax weyn! Kuwaasi Îskâ daaye in loo dagaalamee waa in meel looga soo wada jeestaa, waxa ay u qalmaana ay noqotaa “na dhaafa”. Soomaaliya waxa ay ka gudbaysaa markii qofkii la naco iyo kii la soo dayriyo la dhihi jiray orodoo talada dalka raadso oo musharax noqo!
