HomeWarkiiWasiir Fiqi "Mucaaradku waa ku guul-dareysteen inan safarka Madaxweyne Xasan ee Kismaayo...

Wasiir Fiqi “Mucaaradku waa ku guul-dareysteen inan safarka Madaxweyne Xasan ee Kismaayo caqabad ku noqdaan hadana waxay isku dayi doonaan inay ka hortagaan in heshiis la gaaro”

Wasiir Diaaca Somalia Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay saarka Madaxweyne Xasan ee Kismaayo uu saaka ku tagay iyo rajadiisa inay guuleystaan wada xaajoodyada u dhexeeya Madaxweyne Xasan iyo Axmed Madoobe oo hogaamiya Maamulka Jubaland.
Wasiir Fiqi wuxuu weerar afka ah ku qaaday mucaaradka Dowlada isagoona ku eedeeyay inay isku dayeen inay caqabad ku noqdaan safarka Madaxweynaha ee Kismaayo balse ay ku guuldaraysteen sida uu warka u dhigay.
Qoraal uu Wasiirku soo dhigay soo dhigay baraha bulshada halkaan ka akhriso isagoo sidiisa u qoran:-
Madashii calaacalku waxay Xamar uga safreen oo dal kale shirar ugu abaabuleen in ay caqabado ku hor gudbaan safarka madaxweynaha ee Kismaayo in uusan hirgelin balse taas waa ku guuldarraysteen.

Waxay hadda isku dayayaan wadahadalku inuusan guualysan oo aan la heshiin taasna waxaan rajaynayaa in aysan ku guulaysan!

Shan fadhi oo wadahadal ah ayaa madaxweynuhu madashaas ugu fidiyey Madaxtooyada, intoodii ay dhabta ka ahayd waa la heshiiyay, kuwii ajandayaasha kale watay ayaa diiday ayagana halgankoodii wuxuu ku soo idlaaday saldhiggii Wardhiiglay markii ay weerareen!

Xamar waxaa ka jirey oo lala tacaalay Ciyaal weero, waxaa haddana soo baxay “Waayeel Weero” ayagana waa laga xallinayaa insha Allaah!
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -