HomeWarkiiWasiir Fiqi "Munaasabaddan 12-ka Apriil  waxay xambaarsan tahay qiime qaran oo weyn,...

Wasiir Fiqi “Munaasabaddan 12-ka Apriil  waxay xambaarsan tahay qiime qaran oo weyn, maadaama ay astaan u tahay taariikhda iyo halganka Somalia”

⁹Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa hambalyo u diray saraakiisha, saraakiil-xigeennada, aliflayda, dableyda, dhammaan qaybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo qoysaskooda, munaasabadda 66-guuradii ka soo wareegtay aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka.

Wasiirka ayaa tilmaamay in munaasabaddan ay xambaarsan tahay qiime qaran oo weyn, maadaama ay astaan u tahay taariikhda, halganka iyo doorka ciidanka ee difaaca dalka, ilaalinta madaxbannaanida iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Wasiir Fiqi ayaa adkeeyay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan tayeynta, qalabaynta iyo horumarinta nolosha ciidamada, si ay u gutaan waajibaadkooda qaran si hufan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -