MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Dowladda Masar u fadhiya Soomaaliya Maxamed Salaax Keshtah, waxaana ku wehlinayay qaabilaada Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage.
Madaama Ciidamo ka socda Dalka Masar ay dhawaan ku soo wajahan yihiin Soomaaliya waxay masuuliyiintu ka wada hadleen iskaashiga dhinacyada militeriga ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar iyo sidoo kale adkeynta xiriirka labada dal ee dhanka amaanka.
Inkastoo warbaahinta Dowlada oo soo tabisay kulankaan ay ka gaabsadeen faah-faahinta kulanka ayaa hadana waxaa la rumeysan yahay madaama Wasiirka iyo Taliyaha ay degdeg ku qaabileen safiirka cusub ee Masar inay macquul tahay in si gaar ah loogu soo xil saaray kala war qaadashada labada dal ee dhanka aqbaaraadka la xiriira halka ay mareyso diyaar garowga Ciidamada Masar iyo soo gaaristooda Soomaaliya.
Ciidamada Milateriga Masar ee imaanaya Somalia ayaa qeyb ka ah howlgalka cusub ee AUSSOM ayaa u xaniban dar dargelintiisa dhaqaale la’aan wali uu wajahayo howlgalkaani madaama dalalkii hore u maalgelin jirey sida Mareykanka ay diideen si gaar ah Mareykanka.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM







