Wasiirka Gaashaandhigga Somalia Axmed Macalin (Fiqi) iyo Taliyaha Ciidamada Xoogga Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa maalmahaan waxay si isku xigxigta u booqanayaan ciidamada Milateriga Dowlada Somalia kuwaasoo ku kala firarsan Gobolada Dalka gaar ahaan Galgaduud,Mudug iyo Shabeelaha dhexe.
Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa khud-bad u jeediyay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed kuwaasoo ku sugan jiidda hore ee Deegaanka Xaaji Cali ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, wuxuu si gaar ah u soo hadal qaaday islamarkaana beeniyay warbixintii Kooxda International Crisis Group oo ku sheegay inay ku marin habaabiyeen dagaalka Soomaaliya ay kula jirto Al-Shabaab.
” Kooxda International Crisis Group waxay marin-habaabinayaan dhabta xaqiiqda dagaalka lagula jiro Khawaarijta, waana been waxay sheegayaan”ayuu yiri Wasiir Fiqi oo ciidamada ka how hadlayay.
Wasiir Fiqi wuxuu intaasi ku daray inay daiiftay awooddii Kooxda Al-Shabaab kadib marii Ciidamada Dowlada oo kaashanaya shacabka ay jabiyeen kooxdaasi sida uu wasiirku warka u dhigay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM




