HomeWarkiiWasiir Fiqi oo Dalka Shiinaha kaga qeybgalay shir difaaca looga hadlayay+SAWIRRO

Wasiir Fiqi oo Dalka Shiinaha kaga qeybgalay shir difaaca looga hadlayay+SAWIRRO

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qeyb galay furitaanka 12-aad ee Madasha Caalamiga ah ee Difaaca ee Beijing Xiangshan Forum, oo ay isugu yimaadeen wasiirro gaashaandhig iyo ergooyin ka kala socday in ka badan 100 dal.

Waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa furitaanka madasha Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Cismaan, oo ka qeyb qaadatay kulammada iyo doodaha halkaasi ka dhacay.

Madashan, oo sanadkan ka socota magaalada Beijing muddo saddex maalmood ah (17–19 Sebteembar), ayaa lagu soo bandhigay dooddo ku saabsan amniga caalamiga ah, iskaashiga milatari, iyo sidii loo wajahilahaa caqabadaha cusub ee nabadda iyo xasilloonida. Halkudhigga shirkan ayaa ahaa: “Ilaalinta Nidaamka Caalamiga ah, iyo Dhiirrigelinta Horumarka Nabadgelyada si wadajir ah”.

Waxaa madasha ka soo qeyb galay in ka badan 1,800 ergo, oo isugu jira wasiirro, saraakiil ciidan, khubaro iyo wakiillo ka socda ururo caalami ah.

Ka qeybgalka Soomaaliya ee heerkan ayaa muujinaya sida dalkeenu si toos ah uga dhex muuqdo wadahadallada caalamiga ah ee ku saabsan mustaqbalka amniga iyo iskaashiga dalalka dunida.May be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 3 people and textMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 5 people, dais, newsroom and textMay be an image of 3 people, crowd and textMay be an image of 4 people and text that says "H T 第十品届北京香山论坛 THE 12TH BEIJING XIANGSHAN THE12MBELINGXIANGSHANFORUM FORUM"May be an image of 2 people, dais and text that says "대금 第叶品屋北京香山论編 FORUM THE BEIJING XIANGSHAN 華敬的各位来赛, 全体会议即将开始, TMELIF-BEJINGXIANGSHANFORUM 请您尽快就座, 请您尽快就座,并将手 井将手 机等通讯设备量于静音状态, 机事通讯设备量于静音状态,當謝配合。 谢谢配合。 Distinguished guests, the plenary session will soon start. Please seated and set your mobile phones and other communication devices to silent mode. Thank you for your cooperation. .......- 包容•互醬 .互鉴 互 包容· 包 ENESS NESS.MUTUAL MUTUAL"May be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 1 person and textMay be an image of 5 people and textMay be an image of 2 people, lighting, dais, crowd and textMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 1 person, crowd and textMay be an image of 4 people and text

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -