HomeWarkiiWasiir Fiqi oo goor dhaw daahfuray Kulanka Furitaanka Golaha Difaaca Qaranka+SAWIRRO

Wasiir Fiqi oo goor dhaw daahfuray Kulanka Furitaanka Golaha Difaaca Qaranka+SAWIRRO

May be an image of dais and text that says "FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA MINISTRY OF DEFENCE Inaugural Defence Board (DB) Meeting DMALIA ENCE ence eeting Kulanka Furitaanka Guddiga GuddigaDifaaca(GD) Difaaca (GD) 個 DATE 02 bruary2026 9.00 2:00P bruary 2026 VENUE PEDERAL MINIST Adde Airport(A Inaugu Board Ku Furi Gu ifaa"Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta daahfuray Kulanka Furitaanka Golaha Difaaca Qaranka, kaas oo ah madal istaraatiiji ah oo muhiim u ah xoojinta maamulka difaaca, kor u qaadista isku-duwidda hay’adaha amniga iyo mideynta hawlgallada iyo dib-u-habaynta Ciidanka.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa:

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta Mudane Cali Yuusuf Cali Xoosh,Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag,Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mudane Cali Balcad,La-taliyaha Amniga Qaranka Danjire Aweys Xaaji Yuusuf,sii hayaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage,Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,Taliyayaasha qeybaha ciidamada,Safiirada saaxiibbada caalamka iyo wakiillada ururada caalamiga ah ee dalka jooga.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in Golaha Difaacu uu door muhiim ah ka qaadan doono hagidda jihada istaraatiijiga ah ee difaaca dalka, isla markaana uu noqon doono madal lagu mideeyo yoolalka hawlgallada, dib-u-habaynta hay’adaha, iyo go’aannada hoggaamineed ee heer qaran, si loo xaqiijiyo nidaam difaac oo isku-dhafan, hufan, isla markaana waafaqsan istaraatiijiyadda qaranka.

Sidoo kale, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay horumarinta awoodda ciidanka, isagoo tilmaamay in sugidda amniga mustaqbalka Soomaaliya lagu xaqiijin karo dhisme ciidan oo xirfad leh, isla markaana leh awood hawlgal iyo mid dhaqaale.

Ugu dambeyn Wasiir Fiqi ayaa carrabka ku adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si qorsheysan ula wareegayso masuuliyadda buuxda ee amniga dalka, isagoo xusay in Wasaaradda Gaashaandhiggu ay sii wadi doonto iskaashiga saaxiibbada caalamka si loo hirgeliyo Qorshaha Horumarinta Amniga Soomaaliya iyo qorshaha kala-guurka amni.May be an image of daisMay be an image of dais and text that says "% Ham MOS Oi Y MINISTRY MNISTRYDFDEFENCE OF DEFENCE (CHAIR)"May be an image of one or more people, newsroom, dais and textMay be an image of dais and textMay be an image of one or more peopleMay be an image of table, dais and textMay be an image of one or more people, dais and text

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -