Wasiirka difaaca Somalia Amed Macalin Fiqi ayaa goor dhaw war qoraal ah uu barihiisa bulshada soo geliyay wuxuu weerar ku qaaday mucaaradka Dowlada Somalia gaar ahaan Madasha samatabixinta.
Wasiir Fiqi wuxu ku eedeeyay mucaaradka inay ka aamuseen dhismaha maamulka cusub ee Waqooyi Bari Somalia islamarkaana ay mar kasta ku celceliyaan oo kaliya warar ay horey u sheegeen.
Qoraalka Wasiirka oo meeli badan taabanayay ayaa sidan u qornaa:-
Sidii ayagoo salaad tukanaya ayay istawuu galeen!, wax cusub ma sheegin loogamana fadhin oo kalimadihii ay dhihi lahaayeen horey ayay u isaga faarujiyeen..

Waa kuwii Axmed Madoobihii isku caana shubay u hambalyeeyey oo ku dhici la’a in ay u hambalyeeyaan dawlad Goboleedka cusub ee Waqooyi Bari!.!

Waa kuwa ka hadli waayay markabkii Boosaaso lagu afduubtay oo sida weyn u buunbuuniyay Oday Cadaaladda la horgeeyey!

Waa kuwa gogoshii wadahadalka ee loo furay oo qodobadii ay soo gudbiyeeen markii la waafaqay ka doortay xasradda iyo buuqa!

Waa kuwa ku hanjabay qori iyo dagaal ee diidan horumarka iyo doorasho xor oo xalaal ah!.

Waa kuwa intooda badan deeganadoodii khawaarijtu haysato, 24 saacna ku dheggan ciidamada qalabka sida ee naftooda u huraya dalka, isuna bedelay afhayeenno Khawaarij.

Waa kuwa dawladooda ku dhiirran, jecel in ay isku taagaan mar walba isla markaana shisheeyaha u jilicsan!

Badankoodu maamul goboleedyadii ay ka soo jeedeen Kama hadlaan horumarkiisa taa bedelkeeda laba nin oo fallaago ku ah dawladnimada iyo wadajirka ka hadalkioda ayaa waqtigii uga dhamaaday.

Waa kuwo u muuqaal eg hogaamiye kooxeedyadii umadda laga dulqaaday 20 sano ka hor oo ajandahoodu yahay diidamada horumarka dawladnimada.
Waa kuwo umaddu fahamtay in madashoodu tahay mid aan ajande siyaasadeed iyo mustaqbal umadeed midna xambaarsanayn oo yawmigooda goosta!
KAN BAAC BAAC DHALAY WAXBA MA OGA DANTIISA AYOOW KA HADLAA MAR KASTO IYO
-JAGADA UU HAAYO AYUU ADKEEYSANAAYO WAA DANEESTE AAN NAQAAN;