
Wararka ka imaanaya Gobolka Mudug ayaa sheegaya in xaaladu ay saakay dagan tahay kadib Dagaal kulul oo soo gaaray xalay fiidkii oo ka dhacay Deegaanada Bacaadweyne iyo Camaara.
Dagaalkan oo u dhexeeyey ciidamada dowladda, kuwa Galmudug iyo dadka deegaanka oo isku dhinac ah, iyo maleeshiyada Al-Shabaab.
Warar laga helayo goobaha caafimaadka iyo dad ku sugan deegaano u dhow goobaha shaley lagu dagaalamey ayaa waxa ay sheegeen in khasaare nafeed uu ka dhashey dagaalka.
Wasiirka amniga Galmudug Fiqi oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay, in shabaab ay cashar u dhigeen ayna dileen ku dhawaad 30 Maleeshiyaadka shabaab ah.