HomeWarkiiWasiir Fiqi oo hada ku dhawaaqay waxa kaliya ee muaaradka u furan...

Wasiir Fiqi oo hada ku dhawaaqay waxa kaliya ee muaaradka u furan ay tahay inay hubkooda Dowlada ku soo wareejiyaan.

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wasiirka Gaashaandhiga ayaa qoraal uu shaaciyay wuxuu eedeyn ugu jeediyay mucaaradka isagoo sheegay in hal goob laga helay tobanan Tikniko ah.
“Isma qabtaan, suurtagalna ma ahan in isku hal goob Ice cream (Jallaato) iyo tobonaan tikniko ah laga wada helo” ayuu yiri Wasiir Fiqi

Sidoo kale wuxuu xusay Wasiir Fiqi inay la yaab tahay in in tiknidaas ayadoo gacanta dawladda lagala cararayo ay gabbaad u raadsadaan Khawaarijta agteeda waa sida uu warkiisa u dhigan yahay.
“Khaladka loo heystay oo ah hub Sharci-darro ah waxaa ka weynaan doona midka uu hadda galayo ee ah in hubkaas Khawaarijta loo gacan geliyo ama uu ka soo jeesto safka Khawaarijta” ayuu mar kale yiri Wasiir Fiqi taasoo noqon karta eedeyn culus.

Ugu danbeyn Wasiir Fiqi wuxuu qoraalkiisa ku soo gabagabeeyay in waxa kaliya ee muaaradka u furan ay tahay inay hubkooda Dowlada ku soo wareejiyaan.
“Talo waa mar aad garan wayso iyo mar aad gaari waysee maantay dariiqa kaliya ee u furan waa in hubkaas gacanta dawladda lagu soo wareejiyo” ayuu yiri
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -