HomeWarkiiWasiir Fiqi oo jawaab culus ka bixiyay hadalkii Shariif Sh.Axmed

Wasiir Fiqi oo jawaab culus ka bixiyay hadalkii Shariif Sh.Axmed

Wasiirka Gaashaandhiga Somalia Axmed Macalin Fiqi ayaa goor dhaw jawaab kulul ka bixiyay hadal isla maanta ka soo yeeray Madaxweynihii hore ee Somalia Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed.

Wasiir Fiqi qoraalkiisa uu ku soo bandhigay baraha bulshada ayaa sidan u qornaa:-

Waa xildhibaan qaran, cutubyada Dastuurka markii ay doodoodu furnayd wuu ka qeybgalay, weliba aragtiyadii uu soo jeediyey qaarkood wax baa laga qaatay, sidaas ayaana lagu ansixiyey. Hadana, waa kanaa xildhibaankii oo shir jaraa’id inoogu sheegaya in “Madaxweyne Xasan Sheekh uu dastuurka wax ka bedelay”
Mucaaradkii diyaaradaha loo diidi jiray, kuwii guryaha lagu weerari jiray waa kuwaas gogosha Madaxtooyadii qaranka loo dhigay, ku noqnoqday iska rakaatay, soo jeedintoodii la tixgeliyey, haddana madaxweynihii qaranka ku eedaynaya taladeenii ayaa la diiday.
Talada dalka Madaxweyne ayaa loo dhaariyey, wuxuu ku jira muddo xileedkiisii, Barlamaanka qaranka ayaana isla xisaabtan ku leh, Maya madal shalaan wax ahaa lagu sameeyey!
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -