Wasiirka arimaha gudaha Puntland Juxaa ayaa qoraal uu Facebook soo geliyay wuxuu ku sheegay in baasaboorka aduunka ugu iita uu yahay kan Somalia isagoona dhaliil weyna ugu soo jeediyay Dowlada Somalia.
“Baasaboorkii ugu liitay adduunka xagga socdaalka oo dadkiisa ciqaab iyo shar looga dhigay, Marka taladu gacan qur ah iyomeel qur ah gasho waxay noqotaa SHAR ummadeed” ayuu ku yiri wasiir Juxa qoraalkiisa
Wasiirka Gaashaandhiga Somalia Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraal uu soo dhigay barihiisa bulshada wuxuu jawaab culus kaga bixiyay hadalada wasiir Juxa wuxuuna ku eedeeyay in iyaga Puntland ahaan ay sabab u yihiin tabar darada baasaboorka Somalia.
“Wadan aad maraakiibtii Badda maraysay ee sharciga ku socotay aad afduubanayso weliba si xishood darro ah aad ku leedahay waa Qaniimo miyaa baasaboorkiisu kor u kacayaa dadaal kasta oo lagu bixiyo in lagu hagaajiyo”ayuu yiri Wasiir Fiqi
Sidoo kale Wasiirka Difaaca Dowlada Faderaalka Soomaaliua wuxuu qoraalkiisa ku soo gabagabeeyay hashu ayadaa cunaysa caytamaysana! oo ah ereyo sarbeeban.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
