Kadib markii uiu maanta baraha bulshaa soo geliyay Madaxweynaha Maamulka Somaliland sawiro uu ku soo galay Diyaarad nuuca qumaatga u kaca ee loo yaqaan Heylakobtarka ayaa waxaa ka al-celiyay waliba si la yaab leh Wasiirka difaaca Somalia Axmed Macalin Fiqi oo aad xarii ugu ah adeegsiga baraha bulshada iyo qorista postiyada siyaasadeed.
Sawirada C/raxmaan Cirro oo aad baraha bulshada u qabsaday ayuu Wasiir Axmed Macalin Fiqi ka falceliyay waliba si la yaab leh.
Wasiir Fiqi wuxuu sawirada Ciro ka soo qaaday Qofka ka tahriibay oo markuu tagay halkuu rabay farxada la qeybsaday ehelkiisa.
“Qofka ka tahriiba dalkiisa asagoo dhuumanayana baxa, marka uu tago meeshii uu u socday waa qoslaa, waxa ugu horreeya ee uu ehelkiisii u soo dirana waa sawir uu ku muujinayo inuu nabad tagay!” ayuu yiri Wasiir Fiqi
Jawaabta Wasiirka ayaa hada u muuqata inay ka saameyn badan tahay talaabadii uu qaaday Cirro xili dagaalka baraha bulshada uu cirka isku sii shareerayo tan iyo markii Isra’iil ku dhawaaqday inay Dowlad ahaan u aqoonsan tahay Somaliland.
XAFIISKA WARARKKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
