MUQDISHO (DAYNIIILE.COM)-Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ka baxay maleeshiyaad cusub oo qeyb ka ah macawisleyda Beesha Wacayske ah kuwaasoo loo diyaarshay dagaalada ka dhanka ah Alshabaab.

Ciidamadaan oo tiradooda iyo agabkooda hub midna aan la shaacin ayaa munaasabad sagootin ah waxaa loogu sameeyay Magaalada Muqdisjo.

Advertisement

Sarkaal u hadlay maleeshiyaadkasi ayaa sheegay inay u socdaan sidii ay deegaanada beeshaasi ee Galmudug inta u hartay Alshabaab ka saaraan.

Sarkaalkaan wuxuu soo hadal qaaday inay dhawaan Alshabaab ka saareen Degmada Ceeldheer iyo Deegaanka Masagwaay hadana ay qorsheynayaan inay Degmada Galcad ka saaraan Alshabab.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

 

Previous articleCabdiraxmaan Baadiyoow  Markii la qiimeeyay 208 Jaamacadood, oo ku yaalla dalalka Carabta, Mogadishu University waxay gashay kaalinta 108.
Next articleMadaxweynaha Ukraine oo hadda ka hadlay weerarada Ruushku ku qaaday dalkiisa maanta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here