Wasaaradda Gaashaandhiggu waxay soo dhoweynaysaa natiijada Warbixinta Global Peace Index (GPI) ee sanadka 2025, taas oo muujisay horumarka weyn ee ay Soomaaliya ka gaartay dhinacyada amniga iyo xasilloonida gudaha.
Warbixintu waxay caddeysay in Soomaaliya ay ka baxday liiska tobanka dal ee ugu ammaanka liita caalamka, iyadoo sanadkan gashay kaalinta 14aad, halka ay horey uga jirtay kaalinta 6aad markii dib loo doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud 2022. Isbeddelkan ayaa ka tarjumaya dadaallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ku xoojisay amniga, la dagaalanka Khawaarijta Al-Shabaab oo xiriir la leh shabakadda argagixisada ee Al-Qaacidda, iyo hirgelinta barnaamijyo lagu dhiirrigelinayo nabadda iyo xasilloonida siyaasadeed.
Guushan ayaa ku suurtagashay iskaashiga iyo geesinnimada Ciidamada Qalabka Sida, garab istaagga shacabka Soomaaliyeed, iyo taageerada joogtada ah ee saaxiibada caalamiga ah ee ku garab taagan geeddi-socodka nabadda iyo dib-u-dhiska Soomaaliya.
Wasaaradda Gaashaandhiggu waxay adkeysanaysaa ballan-qaadkeeda ah in ay sii wadi doonto dadaallada lagu xaqiijinayo amnia iyo xasilloonida, iyada oo ka duuleysa aragtida Soomaaliya oo nabad ah, mideysan, kana shaqeysa horumar iyo barwaaqo.
