HomeWarkiiWasiir Fiqi oo ka hadlay warmurtiyeedka Dowlada iyo Mucaaradka isla soo saareen

Wasiir Fiqi oo ka hadlay warmurtiyeedka Dowlada iyo Mucaaradka isla soo saareen

Wasiirka Gaashaandhiga Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraal deg deg ah ka soo saaray War-murtiyeedka goor dhaw ka soo baxay Dowlada Somalia iyo mucaaradka samatabixinta garabka Cumar C/rashiid.
Wasiir Fiqi qoraalkiisa oo sidiisa u qoran halkaan hoose ka akhriso:-
Siyaasiyiinta madasha Samatabixinta la baxday ee wadahadalka dawladda ay la lahaayeen uu dhabta ka ahaa, ajandihii ay wateen jawaabihii laga bixiyey ku qancay, ujeedkoodu uu ahaa in aragti lagu midaysan yahay laga gaaro qodobadii miiska ay soo saareen, horumarka dalka jeclaa iyo in aan dib loo noqon waa kuwaas bannaanka is keenay maantayna la isla gaaray heshiiska.

Raysulwasaare hore, 2 guddooomiye barlamaan hore iyo Wasiir hore ayay isugu jiraan waa miisaan culus.

Xubnihii kale ee calamada dalka gadaal iska dhigay oo wararka la yaabka leh ku hadaaaayay maalmihii la soo dhaafay, ajandaha gadaal in loo noqdana watay maantay “gurigii Samatabixinow ayaa ku dumay”, dadka Soomaaliyeedna si wanaagsan ayay u fahmeen in aysan ajende umadeed iyo mid dal toona xambaarsanayn.
Waan bogaadinaynaa go’aanka ay qaateen Akhyaarta Kala H.E. Cumar Cabdirashiid, H.E. Shariif Xasan, H.E. Maxamed Mursal iyo H.E. Daahir GeelleMay be an image of 7 people and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -