HomeWarkiiWasiir Fiqi oo ka jawaabay hadal heynta ah inay badaleen xisbigii hanti...

Wasiir Fiqi oo ka jawaabay hadal heynta ah inay badaleen xisbigii hanti wadaaga ee Golihii sare ee Kacaanka

Open photoMUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wasiirka arimaha dibada Somalia Axmed Macalin Fiqi oo caawa Khud-bad ka jeediyay xafladii lagu soo bandhigayay xisbiga Cadaalada iyo Wada-jirka ayaa jawaab ka bixiyay hadal maalmihii ugu dambeeyay baraha bulshada ka dhaliyay hadal heyn kaasoo ahaa in xisbigaan Madaxweyne Xasan hogaaminayo uu la mid yahay kii Dowladii Kacaanka ee ahaa xisbiga hantiwadaaga Kacaanka Somaliyed oo ay ku wada jireen madaxdii Dowladaas oo Madaxweyne Maxamed Saiyaad Barre AUN uu hogaaminayay.

Wasiir Fiqi wuxuu gabi ahaanba meesha ka saaray is bar bar dhiga lagu sameeyay Xisbigaan cusun ee Cadaalada iyo Wada-jirka iyo kii Dowlada Kacaanka wuxuuna Khudbadiisa ku sheegay in farqi weyn uu u dhexeeyo labada Xisbi.

Axmed Macalin Fiqi wuxuu xusay in Xisbiii Kacaanka uusan ogoleyn Xisi kale oo la rartama madaama Dowladaasi ahayd mid milateri balse wuxuuu taas cagsigeeda sheegay in iyagu ogol yihiin xisbiyo in la sameysto oo kadibna qof iyo cod lagu tartamo.

“Xisbigii Kacaanka ma ogoleyn in xisbi kale soo baxo laakiin inagu waxaanba leenahay saaxiibadeen kaalaya xisbiya sameyta oo tartama, iyagaa wada marka xisbigii Kacaanka”ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi .

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -