HomeWarkiiWasiir Fiqi oo ka qeybgalay shir looga hadlayay Mustaqbalka Af-Carabiga ee Soomaaliya+SAWIRRO

Wasiir Fiqi oo ka qeybgalay shir looga hadlayay Mustaqbalka Af-Carabiga ee Soomaaliya+SAWIRRO

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda xiritaanka aqoon-isweydaarsiga cilmiyeed ee cinwaankiisu yahay “Daraasadda Xaalka iyo Mustaqbalka Af-Carabiga ee Soomaaliya”, oo lagu qabtay Muqdisho, isla markaana ay soo qaban-qaabisay Jaamacadda Carabta, iyadoo uu goobjoog ka ahaa wafdi ka socda Jaamacadda Carabta oo uu hogaaminayay Mudane Zaid Al-Subban.

Wasiirka oo khudbad ka jeediyay munaasabadda, ayaa carrabka ku adkeeyay in Af-Carabigu yahay gundhigga diinta iyo dhaqanka dadka Soomaaliyeed, isla markaana uu yahay buundo muhiim u ah xiriirka Soomaaliya iyo dunida Carabta iyo Islaamka. Wuxuuna xusay in xoojinta doorka Af-Carabigu ay tahay tallaabo istaraatiiji ah.

Wasiir Fiqi ayaa tilmaamay in Wasaaradda Gaashaandhiggu qorshaynayso in Af-Carabiga lagu daro barnaamijyadeeda tababarka iyo waxbarashada, iyadoo lagu horumarinayo manhajyada ciidan, lana ballaarinayo iskaashiga dalalka Carabta ee dhinacyada tababarka iyo aqoonta, si loo diyaariyo jiil saraakiil ah oo si hufan ugu meteli kara Soomaaliya goobaha caalamiga iyo kuwa gobolka.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Jaamacadda Carabta taageerada ay la garab taagan tahay Soomaaliya, isagoo ku ammaanay dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada waxbarashada, dhaqanka iyo amniga.May be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of ‎3 people, dais and ‎text that says "‎دراسة واقع اللغة العربية ومستقبلها في جمهوریه الصومال مقديشو مقديشو-الصومال الصرمال شکر وتقدير بهلط_رقتهكدبةآادوال ചിരക سي ርገር‎"‎‎May be an image of 3 people, dais and textMay be an image of ‎6 people, dais and ‎text that says "‎めサ上 جامعة حامعة الدول نعدبية هوم مکتب جامعة الم ف اعیوعال فش وات حواد دراسة اللغة واقع لعربية ومستقيلها جمهور جمهورية_صا لصومال فجمهوریيةالصومال‎"‎‎May be an image of 1 personMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 3 people, dais and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -