HomeWarkiiWasiir Fiqi oo kala wareegay Dowlada Britain Gaadiid iyo qalabka ka hortagga...

Wasiir Fiqi oo kala wareegay Dowlada Britain Gaadiid iyo qalabka ka hortagga walxaha qarxa+SAWIRRO

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay weheliyeen Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, ayaa maanta ka qaybgalay munaasabad ay Dowladda Boqortooyada Ingiriiska ku wareejinaysay gaadiid iyo qalab casri ah oo loogu talagalay ka hortagga walxaha qarxa ee la farsameeyo (C-IED), kaas oo la guddoonsiiyay Ururka Sancada ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Qalabkan iyo gaadiidka ayaa waxaa gudoonsiiyay Safiirka Dowladda Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya, Danjire Charles King.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa tilmaamay in qalabkan cusub uu ka tarjumayo taageerada joogtada ah ee Boqortooyada Ingiriiska ay la garab taagan tahay horumarinta awoodda iyo xirfadaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isagoo carrabka ku adkeeyay in qalabkani si weyn u kordhin doono badqabka iyo hufnaanta howlgallada lagula dagaallamayo argagixisada.

Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyay Dowladda Boqortooyada Ingiriiska taageerada istiraatiijiga ah ee ay siiso Soomaaliya, isaga oo xusay in iskaashigan uu laf-dhabar u yahay dadaallada lagu xaqiijinayo nabad, xasillooni iyo mustaqbal waara oo ay Soomaaliya ku tallaabsato.May be an image of 8 people and textMay be an image of 2 people and textMay be an image of 5 peopleMay be an image of 1 personMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 8 people, dais and textMay be an image of 1 personMay be an image of 8 people and text that says "S"May be an image of 4 people and eyewearMay be an image of 6 peopleMay be an image of 1 personMay be an image of 11 people and ambulanceMay be an image of 11 people, dais and text

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -