HomeWarkiiWasiir Fiqi oo ku amaanay shacabka Soomaaliyeed ee Boorama ku dhaqan xaqa...

Wasiir Fiqi oo ku amaanay shacabka Soomaaliyeed ee Boorama ku dhaqan xaqa ay ku taagan yihiin

Wasiirka Gaashaandhiga Somalia Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay banaan-baxa reer Boorama ay ku muujiyeen dareenkooda waxayna ka soo horjeesteen in shacabka walaalaheen ee Falastiin dhulkooda inta laga xoogo in qaxooti looga dhigo dhulka reer waqooyiga Somalia ee la baxay Somaliland.
Wasiir Fiqi wuxuu ku amaanay shacabka Waqooyiga Soomaaliya gaar ahaan kuwa Magaalada Boorama ku dhaqan xaqqa ay ku taagan yihiin.
“Dhallinyarada Boorame waa bogaadinaynaa dhiiranaantooda iyo xaqqa ay ku taagan yihiin” ayuu yiri Wasiir Fiqi
“Shalay Oday Muuse Biixi wuxuu soo saxiixay badda gobolkiina, maanta Oday Cirro Kama foga in uu soo saxiixay in Falastiiniyiin si qasab loogu soo raro gobolkiina,
Marnaba ha aqbalina go’aan khaldan oo cawaaqib xumo iyo ceeb xambaarsan in aad qeyb ka noqotaan!” ayuu mar kale yiri Wasiir Fiqi  oo qoraal gaaban soo dhigay barihiisa bulshada

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -