HomeWarkiiWasiir Fiqi oo maanta booqday furinta dagaal ee u dhexeysa Somaliland iyo...

Wasiir Fiqi oo maanta booqday furinta dagaal ee u dhexeysa Somaliland iyo Waqooyi Bari

No photo description available.Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta booqasho ugu tegay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Waqooyi-Bari ee ku sugan aagga Guumays.
Wasiir Fiqi ayaa ciidamada kula dardaarmay adkaynta nabadda, ilaalinta midnimada, wadajirka dalka, iyo ka hortagga faragelin kasta oo shisheeye oo lagu doonayo kala-goynta Soomaaliya. Sidoo kale, wuxuu xusay muhiimadda ay leedahay feejignaanta amni iyo u diyaargarowga difaaca qaranka.
Intii uu booqashada ku guda jiray, wasiirku wuxuu kormeeray xaaladda guud ee ciidamada, isagoo warbixin ka dhageystay saraakiisha hoggaaminaysa, isla markaana ku bogaadiyay sida ay uga go’an tahay difaaca dalka, goob kasta iyo goor kasta.
Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga ay ku xaqiijinayso dhiirrigelinta iyo kor u qaadidda tayada iyo diyaargarowga Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed meel kasta oo ay dalka kaga sugan yihiin.May be an image of one or more people and crowdMay be an image of one or more peopleMay be an image of textMay be an image of one or more peopleMay be an image of one or more people and text
May be an image of one or more people and textNo photo description available.May be an image of one or more people and crowdMay be an image of one or more peopleMay be an image of one or more peopleMay be an image of text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -