HomeWarkiiWasiir Fiqi oo maanta tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan Ciidamada gaarka...

Wasiir Fiqi oo maanta tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan Ciidamada gaarka ah ee Gorgor+SAWIRRO

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan Ciidamada gaarka ah ee Gorgor ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo tababar ciidan ku qaatay Kulliyadda Tababbarka Ciidamada ee TURKSOM.

Wasiirka oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa bogaadiyay dadaallada joogtada ah ee ay wadaan talisyada Ciidanka Xoogga Dalka, kuwaas oo diiradda saaraya kobcinta awoodda, xirfadda, iyo tayada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Wasiir Fiqi ayaa ciidamada qalin-jabiyay faray inay si dhab ah u gutaan waajibkooda ah ilaalinta midnimada, wadajirka iyo madaxbannaanida qaran ee dalka, si looga difaaco cadowga gudaha iyo kan dibadda ee ka soo horjeeda horumarka iyo nabadda Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa faray ciidanka inay kaalin muuqata ka qaataan dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada, isla markaana ay si hagar la’aan ah u gutaan waajibaadka ay u dhaarteen, si loo sugo amniga shacabka Soomaaliyeed iyo xasilloonida guud ahaan dalka.

Intii ay munaasabaddu socotay, ciidamadu waxay soo bandhigeen xirfado kala duwan oo ay barteen muddadii tababarka, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen adeegsiga hubka noocyadiisa kala duwan, xeeladaha dagaalka, iyo farsamooyinka difaac-nafsiga, taasoo muujinaysa heerka diyaargarow ciidan iyo tayada tababarka ay qaateen.

Munaasabadda waxaa goob-joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Gaas Odawa Yuusuf Raage, Taliyaha Taliska Tababarada iyo Doktariinka, G/le Sare Axmed Ise Axmed, Taliyaha TURKSOM, S/Gaas Sebahattin Kalkan, Safiirka Turkiga, taliyayaasha ciidamada Cirka iyo Badda iyo martisharaf kala duwan.May be an image of textMay be an image of ‎one or more people and ‎text that says "‎SOMALİ TÜRK GÖREV KUVVETİ KOMUTANLIĞI ചരാൾ ิสย A * C.TİKA נמחס-‎"‎‎May be an image of one or more people and textMay be an image of one or more people and text that says "Tre Zam"May be an image of one or more peopleMay be an image of one or more people and textMay be an image of one or more people and textMay be an image of one or more people and textMay be an image of one or more people and textMay be an image of one or more people and textNo photo description available.May be an image of one or more people and text that says "SOMALİ SOMALİTÜRKGOREVKUWVETİ TÜRK GOREY KUVVETİ C+ KOMU OMUTANLIĞI 民平"May be an image of one or more peopleMay be an image of text that says "預 ili li I1I"May be an image of one or more people and clarinetNo photo description available.May be an image of one or more people and textMay be an image of one or more people and aircraftMay be an image of one or more people and textMay be an image of one or more people and textMay be an image of one or more people and text that says "SOMARMY ESOMARLYE MY. SOMA"May be an image of one or more peopleMay be an image of text that says "ii¡iii ii ii ii prm"No photo description available.May be an image of one or more people and textMay be an image of one or more people and textMay be an image of textMay be an image of one or more people and textMay be an image of one or more people and textMay be an image of one or more people and text that says "め"May be an image of one or more people and text that says "i HE ii ili ii iii SOM SOM SOMARLY AMMY 2E01AAAY SOMARMY SOM"May be an image of text that says "Ahmed AhmedİsseAhmed İsse Ahmed Albay EDOK EDOKKomutanı Komutamı"May be an image of textMay be an image of textMay be an image of one or more people and text that says "BIi 和 iII 团 IIi ii Il 民 ii"May be an image of saxophoneMay be an image of text that says "II ilI il ili iii | LLME HNe ii I8 Ii ili li EMI li"May be an image of textMay be an image of track and fieldMay be an image of textMay be an image of one or more people and text that says "iiii ii ii ii ii 超市 ii ii ii"

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -