HomeWarkiiWasiir Fiqi oo Muqdisho kula kulmay dhigiisa Dalka Sweden+SAWIRRO

Wasiir Fiqi oo Muqdisho kula kulmay dhigiisa Dalka Sweden+SAWIRRO

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qaabilay dhiggiisa Boqortooyada Sweden, Mudane Pål Jonson oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka.

Kulanka labada Wasiir ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Sweden, gaar ahaan dhinacyada ammaanka, iyo taageerada dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada.

Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyay Dowladda Sweden dhinacyada kala duwan ee ay Soomaaliya ka caawiyaan, isagoo xusay in xiriirka labada dal uu ku saleysan yahay iskaashi saaxiibtinimo iyo dan guud oo ku wajahan xasillinta gobolka.

Dhankiisa, Wasiirka Gaashaandhigga Sweden ayaa ku ammaanay Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaalka ay ku bixineyso sugidda nabadda iyo guulaha ay ka gaartay dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, isagoo ballan qaaday in dalkiisu sii wadi doono taageerada iyo horumarinta xirfadda ciidamada Soomaaliyeed.May be an image of 1 person and daisMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 2 people

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -