HomeWarkiiWasiir Fiqi oo muxuu ku soo arkay xerada ciidamada Xoogga ee Deegaanka...

Wasiir Fiqi oo muxuu ku soo arkay xerada ciidamada Xoogga ee Deegaanka Wargaadhi ee obolka Shabeellaha Dhexe.+SAWIRRO

May be an image of one or more people and textWasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kormeer ugu tegay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada deegaanka ee ku sugan Deegaanka Wargaadhi ee obolka Shabeellaha Dhexe.

Wasiirka ayaa ciidamada ku bogaadiyey naf-hurnimada, geesinimada iyo guulaha ay ka soo hooyeen hawlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, isaga oo ku adkeeyey inay sii laba jibbaaraan dadaalladooda si dalka looga ciribtiro argagixisada. Waxa uu carrabka ku adkeeyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta taageerada ciidamada iyo dardargelinta hawlgallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka.

Dhankiisa, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa ciidamada ku ammaanay heegankooda iyo diyaargarowgooda, isaga oo ku boorriyey inay sii xoojiyaan wada-shaqeynta, isku-duubnida iyo fulinta waajibaadkooda qaran si loo gaaro guulo waara. Taliyuhu waxa uu sheegay in hawlgalladu ay u socdaan si qorsheysan, isla markaana ay sii socon doonaan ilaa laga xoreynayo dhammaan deegaannada ay weli ku dhuumaaleysanayaan kooxda Al-Shabaab.

Kormeerkan ayaa qayb ka ah safar dhanka dhulka ah oo Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ay maalmihii u dambeeyey ku marayeen gobollada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe, kaas oo lagu dardargelinayo hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, laguna dhiirrigelinayo ciidamada ku sugan furimaha hore, isla markaana lagu xoojinayo isku-duwidda hawlgallada lagu ciribtirayo argagixisada.

May be an image of textMay be an image of one or more people and textMay be an image of one or more peopleMay be an image of one or more people and textMay be an image of one or more peopleMay be an image of one or more peopleNo photo description available.May be an image of one or more peopleMay be an image of one or more peopleMay be an image of one or more people and textMay be an image of one or more peopleMay be an image of one or more peopleMay be an image of one or more people

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -