Qoraal uu caawa waqti danbe baraha bulshada soo geliyay Wasiirka Difaaca Somalia ayuu kaga hadlay natiijada ka soo baxda shirka Kismaayo Caawa ay ku soo xirteen muxaaradka.
Wasiir Fiqi oo weerar ku qaaday shirka ayaa qaab yaab leh ku macneeyay warmurtiyeedka ka soo baxay shirkaasi.
Hadaba qoraalka Wasiirka oo sidiisa u qoran halkaan ka akhriso:-
Diseember 2022-dii ayuu Saciid Deni ka cararay wadahadalkii villa Soomaaliya uga socday Golaha wadatashiga Qaranka ayadoo la leeyahay war ha naga tagin!
Oktoobar 2024-tii ayuu Axmed Madoobo ayadoo la baryayo ka cararay villa Soomaaliya Golaha wadatashiga
Kooxda madasha Calaacalku 5 shir oo wadatashi iyo wadahadal ah ayuu madaxweynaha Jamhuuriyaddu kula yeeshay villa Soomaaliya, waa ku kala jabeen; qeyb ayaa qanacday, qeybtiii kale ayagoo weli loogu baaqayo in wadahadalku sii socdo ayay bartimihii sanadka 2025 xireen albaabkii wadahadalka.
Labadaas nin ee sare ku xusan iyo nimanka madasha calaacalku shir socday 3 maalmood ayay ku soo gabagabeeyeen Madaxweyne Xasanow nala shir!.
Wixii ay ka carareen, gogoshii wadahadal ee u furnayd iyo ninkii ay gogosha uga kaceen ayay sanado ka dib ka baryayaan in uu bil gudaheed shir la qaato.
Mar hore ayaan sheegnay in Meesha niman caraysan oo siyaasaddii ka xumaatay ay isugu tageen, ayaguna aan wax isku ogoleyn, cid kale aan wax u ogooleyn.
Madaxweynaha Jamhuuriyaddu maantay ayuu ugu baaqayay nimankaas in gogosha wadahadalka la yimaadaan wax umadda u cuntamaya!
