Wasiirka Gaashaandhiga Somalia Sxmed Macalin Fiqi oo weerar afka ah ku qaaday mucaaradka kama hadlay dagaalka xamar isagoo sidiisa u qoran halkaan ka akhriso:-
RSF- Garabka Soomaaliya mashruucii qandaraas hoosaadka (sub-contracts) dawlad duminta iyo afgambiga ee ay soo qaateen gebi ahaanba waa fashilmay.
Hogaamiye kooxeed lama jili karo waayo waqtigiisii waa soo dhammaaday, hogaamiye Khawaarij oo diinta ku soo hoos gabada asna hooggiisii iyo halaaggiisii waa la soo dhadhamiyay oo cidna lagama yeelayo, hogaamiye qabiil ama jufo xalay ayaa la arkay oo waa kan hoobiyaha iyo madaafiicda u qeybiyay magaalada caasimadda oo la isweydiiyey ma dadweynaha ayay la dirirayeen mise dawladda?!
Isku soo duub, waxaa soo xirmay albaabkii caga-juglaynta, xoog iyo maleeshiyaad in xukun lagu doono ama dawlad lagu hor istaago.
Guulaysta Ciidamada qaranka ee xaq u dirirka ah, odoyaasha dhaqanka ee dawladnimada jecel iyo shacabka Soomaaliyeed ee dulqaadka weyn muujiyay.
