HomeWarkiiWasiir Fiqi oo shacabka uga digay inay run u qaataan wararka mucaaradka 

Wasiir Fiqi oo shacabka uga digay inay run u qaataan wararka mucaaradka 

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wasiirka Difaaca Somalia Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraal kooban uu goor dhaw soo dhigay barihiisa bulshada wuxuu ku beeniyay warka ka soo baxaya mucaaradka ee ay ku sheegayaan inay dadk ku dhaw 30 kun isu diwaan geliyeen ka qeybgalka banaan bax ay doonayaan inay beri ku qasadaan Muqdisho.

Wasiir Fiqi wuxuu  shacabka uga digay inay run u qaataan sida uu sheegay sheegashada mucaaradka ee tirada banaan baxa ka soo qeybgaleysa kaasoo ay ku diiwaan gelinayaan website.

“Madashii calaacalka oo laga daba tagay, waxay ka been sheegeen xogta ay bulshada la wadaagayaan sida ay maalin kasta uga been sheegaan waxa ay sheegayaan,

Website qof la sameeyey aan la aqoon, tirada laga been sheegayo, cid leh aan la garanayn.. waxa laga sugo waa waxaan jirin iyo natiijo la’aan” ayuu yiri Wasiir Fiqi

Sidoo kale Wasiir Fiqi wuxuu  sheegay in Mucaaradka ay ku fashilmeen siyaasada isagoona waxba kama jiraan ka soo qaaday tirada ay soo bandhigeen.

“Muwaadin Tirada beenta run ha u qaadan, nimankaas siyaasadda ku fashilmayna mashruucooda fake-ga ah ha qeyb noqon” ayuu mar kale yiri Wasiir Fiqi

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -