HomeWarkiiWasiir Fiqi oo si kulul ugu jawaabay C/raxmaan C/shukuur

Wasiir Fiqi oo si kulul ugu jawaabay C/raxmaan C/shukuur

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wasiirka Difaaca Somalia Axmed Macalin Fiqi ayaa si kulul uga jawaabay war xalay ka soo yeeray Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur oo mucaaradka ka tirsan kaasoo xalay kulan dadweyne uu gurigiisa ku qabtay shacabkii Dowladu barakicisay ka hor balan qaaday inay banaanbaxa markaan dhigi doonaan islamarkaana ay ka hor tagi doonaan hadii Dowladu isku deydo inay ka hor istaagto.

“haduu dagaal rabo oo uu dad soo bixin karo oo ay qadiyad ka tahay, gurigiisa inta lagu soo weeraray ayaa ilaaladiisii la laayay isagana la dhaawacay ,guriga wixii u yaalayna waa la qaatay, haddii raganimada uu hada ku faanayo kuna hanjabayo, muxuuu isu difaaci waayay haduu rag yahay, ileen marka lagu gar dareysto ayuu dagaalku xaq yahaye”ayuu yiri Wasiir Fiqi

Sidoo kale Wasiir Fiqi wuxuu fuleynimo ku tilmaamay sida uu sheegay in haweenka dhexdooda laga soo booteeyo.

“maalinta loo baahan yahay inaad is difaacdo inaad kalmad dhihi karin oo aad miskiin iska dhigto oo aad gacmaha wax ku xirato oo nin aan kuu socona aad dagaal ugu baqdo,waxaan leenahay arintaas ka soo laabo waa fuleynimo,anaga waligeen banaan bax kama aanan hadlin”ayuu mar kale yiri Wasiir Fiqi

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -