HomeWarkiiWasiir Fiqi oo u hanjabay mucaaradka Somalia ee ku shirsan Imaaraadka, marka...

Wasiir Fiqi oo u hanjabay mucaaradka Somalia ee ku shirsan Imaaraadka, marka ay Muqdisho ku soo laabtaan

Wasiirka Gaashaandhiga Somalia Axmed Macalin Fiqi oo qoraal kooban soo dhigay baraha bulshada ayaa mucaaradka Somalia ee ku sugan Dalka Imaaraadka ugu hanjbay inay talaabo ka qaadi doonaan hadii ay shirqoolada imaaraadka la yimaadaan Muqdisho sida uu warkiia u dhigay.

Hadaba halkaan ka akhriso qoraalka Wasiir Fiqi oo sidiisa u qoran:-

Shakhsiyaadka siyaasiyiinta sheegta ee shirqoolka dalkooda awgii Abu Dhabi shirarka loogu qabanayo Waa kuwo aan rajo ka lahayn mustaqbalka siyaasadeed ee dalka Soomaaliya.

Waxaa ayaandarro ah ayaga iyo kooxda RSF ee dalka Sudan burburintiisa loo kiraystay in isku meel shir loogu qabtay oo ay wax ka baranayaan RSF sida ay shaqada kuwa adeejiyay u gudanayso, una xasuuqaysa dadkeeda.

Shakhsiyaadkaas waxa ay la soo noqon doonaan shirqoollo ka dhan ah dawladnimada iyo nabadda, waxayna isku dayi doonaan ayagoo raalli gelinaya kuwa adeegsanaya in ay maleeshiyaad uruuris iyo hogaamiye kooxeednino bilaabaan!!!

Dawladda Soomaaliya waxaa waajib ku noqonaya in ay si adag uga hortagto cid walba oo halis gelinaysa nabadda iyo dawladnimada, qaranimada iyo madaxbanaanida dalka. Khaa’inul wadan kastaana abaalkiisa la marsiin doono.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -