HomeWarkiiWasiir Fiqi oo u jawaabay Somaliland iyo Puntland

Wasiir Fiqi oo u jawaabay Somaliland iyo Puntland

Wasiirka gaashaandhiga Somalia Axmed Macalin Fiqi ayaa goor dhaw jawaab ka soo saaray eedeyn kaga timid Maamulada dalka qaarkood sida Puntland iyo Somaliland taasoo ahayd in Dowladu ciidamo u dirtay Gobolka Sanaag.

Qoraalka Wasiirka ayaa sidan:-

Waxaan caddaynaynaa in Dawlad Federaalka ah aysan ciidan geyn Gobolka Sanaag iyo Sool, sabab loo geeyana aysan muuqan. Shakhsiyaadka dawladda Federaalka ku eedaynaya arrintaasna wax caddayn ah oo ay soo bandhigeen ma jirto oo aan ahayn eed caalwaa ah oo ay ka muuqato in taag iyo tabar ay ku hor istaagaan ay u waayeen rabitaanka dadka deegaanadaas.

Ismana qabato Xamar ayay dawladdu xukumi wayday iyo Sanaag ayay ciidan geysay, sidoo kale waxaan isqabanayn Dawladda Soomaaliya nidaamka Federaalka ah ayay cadow ku tahay oo burburinaysaa iyo in haddana lagu eedeeyo dawlad goboleed cusub ayay dhisaysaa. !!

Nidaamka Federaalka ah waa nidaam dalku qaatay oo dastuuri ah, hirgelintiisa iyo dhowristiisuna cid walba ay ku tahay waajib.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -