HomeWarkiiWasiir Fiqi oo u jawaabay Donald Trump

Wasiir Fiqi oo u jawaabay Donald Trump

Wasiirka difaaca XFS Axmed Macallin Fiqi ayaa waxbo kama jiraan ku tilmaamay hadallada iyo aflagaadada madaxweyne Donald Trump u geesanayo dadka Soomaalida ee ku nool dalka Maraykanka.

Wasiir Fiqi oo qoraal u diray wakaaladda wararka ee Reuters, ayuu ku sheegay in Trump ay tahay in uu xoogga saaro sidii uu u oofin lahaa ballan-qaadyadii uu u sameeyay intii lagu gudajiray olilihiisa doorashada Mareykanka “halkii uu isku mashquulin lahaa arrimaha dadka Soomaalida”.

Waxa uu sheegay in dadka Soomaalida dunidda manta laga yaqaano oo ay ka tilmaaman yihiin waxa uu ku tilmaamay Trumpna aysan waxbo ka jirin.

“Waa run dadka Soomaaliyeed waa ay soo mareen dhibaatooyin badan iyo cadowyo kala duwan, oo ka mid ahaayeen kuwo diiddan jiritaankooda, ama dilay, iyo kuwo bahdilayay ama aflagaadeenayay, balse maanta dhammaan arrimahaas waaa ay ka gudbeen.”ayuu yiri wasiirka gaashandhigga Soomaaliya.

Hadalka wasiir Fiqi ayaa ku soo aadaya iyadoo madaxweynaha Maryakanka uu kordhiyay weerarada iyo hadallada gafka ah ee u geesanayo Soomaalida ku nool dalka Maraykanka.

Wixii ka dambeeyay markii la toogtay labo askari oo ilaalo ka ahaa xarunta Washington bishii horre waxaa kordhayay weerarada lagu hayo bulshada soo galootiga ah ee ku nool dalka Maraykanka oo ay ugu horreeyan Soomaalida.

Trump oo in muddo ah isticmaalayey ereyo cunsuriyad ah iyo jinsi fuquuq, ayaa marar badan ku baaqay in la masaafuriyo Ilhaan Cumar oo ah xildhibaanad xisbiga Dimuqraadiga ka tirsan ee Congress-ka, isla markaana si weyn u dhaleecaysay in ay qaadatay dhalashada Maraykanka kadib markii ay Soomaaliya ka soo haajirtay 30 sanno ka hor.

Gobolka Minnesota oo ah gobolka ay ku nool yihiin Soomaalida ugu badan ee ku nool dalka Maraykanka ayaa ka mid ah meelaha sida wayn looga billaabay beegsiga Soomaalida halkaasoo ay ku sugan yihiin in ka badan 69,000 oo Soomaali ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -