Wasiirka Difaaca Somalia Axmed Macalin Fiqi ayaa mar kale weerar afka ah ku qaaday Mucaaradka Soomaaliya gaar ahaan xildhibaan Shariif oo bartiisa Facebook dhigay qoraal uu banaan baxa ku iclaaminayay.
Wasiri Fiqi ayaa ku eedeeyay shariif in dadkii ehelkiisa ahaa ee Shabeelaha hoose Alshabaabku ka soo barakiciyeen uusan u iclaamuin banaan bax, wasiir Fiqi wuxuu ku eedeeyay Xildhibaan Shariif oo ah hogaamiyaha Mucaaradka Samatabixinta banaan baxa uu qaban qaabiyo.
Wasiir Fiqi mar uu ka hadlayay xaqa dastuuriga ah ee banaan baxa in la dhigi karo ayuu sheegay in sidaas oo kale shacabka Muqdisho xaq u leeyihiin inay codeeyaan oo doortaan madaxdii xukumi lahayd taasna ay diideen Mucaaradka oo Shariifku ku jiro sida uu warka u dhigay.
Qoraal intiisa badan weerar ku ah Shariif oo wasiir Fiqi uu soo dhigay bartiis Facebokmayaa sidan u qornaa:-
Cid kuu soo baxaysa ma jirto.
Xuquuqda dadka Gobolka Banaadir waxaa ugu horaysa in ay codeeyaan oo madaxdooda doortaan taas ayaadna diidan tihiin adiga iyo kuwa saldhigga Warta Nabadda weeraray.
Dadka Gobolka Banaadir waa ka gudbeen markii siyaasi dano gurracan wataa uu ku adeegan jiray waxaana marqaati noqonaysa Maalinta sabtida ah.
Haddii Xildhibaan shariif iyo kooxdiisu ay wax ka mudaharaadayaan maxay uga mudaharaaadi waayeen sharacka dadka uu matalo ay ka mid yihiin ee Kooxaha Khawaarijtu ay soo barakiciyeen!?!

