MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wasiirka Difaaca Somalia Axmed Macalin Fiqi oo caawa ka qeybgalay bandhiga buug loogu magac daray War ka kaacay oo uu qorey C/laahi C. Guutaale ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxda Maamulka Puntland.
Wasiir Fiqi oo ku soo hadal qabsanayay magaca Buuga ee War ka-kacaay ayaa Soomaalida ugu baaqay inay ka kacaan duli-nimada ,inay ka kacaan inay dalkooda iimaansan waayaan iyo inay ka kacaan baag-muundada
Sidoo kale wuxuu Soomaalida u soo jeediyay inay ka kacan dalka lakala qeybinayo,sidoo kale midnimadiisa la kala dhantaalayo.
Wasiirka ayaa intii uu waday ereyad aan ka kacno wuxuu ku soo dhexdarsaday in Soomaalidu ka kacdo kuwa maraakiibta bada sharciga ku mareysa qaniimo lagu tilmaamo sidoo kale faderalka dadka dhantaalayo laga kaco.
“aan ka kacno kuwa markab badda socda oo sharci ku socda qaniima ku tilmaamaya aan ka kacno waxaas oo kale oo ceeb ku ah bulshada Soomaaliyeed “
Sidoo kale mar uu sharaxayay faderaalisimka iyo qaab xun ee Soomaalidu ugu dhaqanto ayuu wasiir Fiqi ku baaqay in la toosiyo kuwa kala qeybinaya,qaarkodo wuxuu sheegay inay Dowlado shisheeye ku dhex shaqeysanayaan.
“aan u kacno doorashada tooska ah ee qof iyo codka ah ,dowladu dimuquraadiyad bay ku dhawaaqday in qof kasta codkiisa ku ciil baxo oo loo istaago in la iska qabto kuwa noo jiidaya eexda”ayuu yiri Wasiir Fiqi
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM

