Wasiirka Gaashaandhiga Somalia Axmed Macalin Fiqi ayaa war qoraal ah uu soo saaray wuxuu weerar afka ah ku qaaday siyaasiyiinta Dowlada mucaaradka ku ah gaar ahaana kuwa samatabixinta.
Qoraalka Wasiirka oo sidaasa u qoran halkaan ka akhriso:-
Nimanka Soomaaliya rabay in ay xukumaan waa kuwii odaytinimadooda, waaya-aragnimadooda iyo caqligoodu shalay ka reebi waayay in ay saldhig booliis weeraraan!
Sidee Xukun dal loogu aamini karaa ninka go’aansaday inuu saldhig weeraro oo Ciidan Qaran laayo, Maxaabiis Xoog ku soo daayo, Muqdisho amnigeeda qalqal geliyo!
Waxaase intaas ka sii daran kuwa intaas sameeyey ayaa dhahaya Shacabka Muqdisho oo hal malyan oo ka mid ah ay isku diiwaangaliyeen in ay doorashada Gobolka Banaadir ka codeeyaan kaalaya annagoo doorasho diid ah ina taageera, ka hor imaada in aad codaysaan oo maamulkiina doorataan!?
Ma jirto madasha mukharibiinta wax ka caqli liita, laakin waxaa ilaahay mahaddii ah in ay umadda horteeda Ku ceeboobeen, cid ay siri karaana aysan jirin !
Muqdisho in ay qurxoonaato shaqo adag ayaa la geliyey, qofna laga yeeli maayo in meeshii laga yimid lagu noqdo.
