HomeWarkiiWasiir Fiqi oo weerar afka ah ku qaaday Xasan Cali Kheyre iyo...

Wasiir Fiqi oo weerar afka ah ku qaaday Xasan Cali Kheyre iyo Maxamed Xuseen Rooble

Wasoorka Gaashaandhiga Dowlada Somalia Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraal uu soo dhigay barihiisa bulshada wuxuu weerar afka ah ku qaaday Laba Ra’iisulwasaare hore Xasan Cali Kheyre iyo Maxamed Xuseen Rooble.

Wasiir Fiqi wuxuu ka hadlay Kheyre iyo Rooble maanta ku tageen Isbitaal Yaardameeli ee Muqdisho halkaasoo maanta howlo caafimaad loo geeyay Xildhibaanad Somaliyeed oo ku soo dhibaatowday buuqii maanta ka dhacay Xarunta Baarlamaanka.

Wasiir Fiqi wuxuu su’aal geliyay Kheyre iyo Rooble inay mucaarad siyaasadeed yihiin iana inay yihiin mucaaradka ciidamada qaranka leeyahay isagoona xusay in halka ay gabadha ku booqdeen qolalka ku dhagan ay ku jiraan Ciidamo ku soo dhaawacmay dagaal Dowladu kula jirto Alshabaab.

Qoraalka Fiqi oo sidiisa u qoran halkaan ka akhriso:-

Walba maxay Isbitaalka ugu booqan waayeen ciidamada qaranka ee todobaadyadii u dambaysay ku soo dhaawacmay dagaalka xaqqa ah ee kooxaha argagixisada dalka looga nadiifinayo.

Qolalka ku dheggan kii ay isku ciriirinayeen xubnaha Madasha calaacalku ayay ku jireen, yaa ka mudan in la soo booqdo oo lagu bogaadiyo halyaynimadooda.

Waxay sidoo kale eedeeyeen ciidamadii ammaanka golaha Barlamaanka sugayay, nimanku ma mucaaradka ciidamadaa mise waa mucaarad siyaasadeed?!

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -