HomeWarkiiWasiir Fiqi oo weerar culus oo afka ah ku qaaday shirka Nairobi...

Wasiir Fiqi oo weerar culus oo afka ah ku qaaday shirka Nairobi ay ku yeesheen Mucaaradka iyo Maamulada Jubaland iyo Puntland

Wasiirka Difaac Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa weerar cuus oo afka ah ku qaaday madasha samatabixinta iyo Madaxda maamulada Jubaland iyo Puntland kuwasoo shir ay maanta ku yeesheen Nairobi kaga dhawaaqay inay dhawan sameysanayaan isbahaysi ay ku mideysan yihiin oo la baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.

Qoraalka Wasiir Fiqi oo sidiisa u qoran halkaan ka akhriso:-

Mustaqbalka Soomaaliya waxaa looga arrinsadaa gudaha Soomaaliya Maya dal ajnabi haddii aan shisheeye loo shaqaynayn!

Mustaqbalka Soomaaliya 5 nin oo dawladnimada Soomaaliya diidan in ay hanaqaado Marti uma ahan, kuwaasoo taariikhdooda la yaqaan!

Mustaqbalka Soomaaliya kuwii saldhigga Wardhiigley weeraray iyo kuwii gadaal ka taagnaa laga sugi maayo, Soomaaliya Dawlad muddo xileedkeedii ku jirta ayaa taladeeda iyo mustaqbalkeeda laga sugayaa.

Waxaa ayaandarro ah Soomaaliyada maantay shidaalka soo saaranaysa, amnigeeda in ay ku filnaato ka shaqaynaysa, tiigsanaysa doorasho qof iyo cod ah in shakhsiyaad sooyaalkooda la yaqaan ay leeyihiin mustaqbalkeeda ayaan ka hadlaynaa!
Waxaa la joogaa markii laga gudbi lahaa ma gudbayaasha siyaasadda, waxaana ilaahay mahaddii in ay umadda horteeda mar kale ku ceeboobayaan.!.
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -